Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax Ciidamo lagula beegsaday Muqdisho

Qarax Miino ayaa Maanta Barqadii waxaa laamiga degmada Deyniile ee Gobolkan Banaadir lagula beegsaday Gaari ay wateen Ciidamo kamid ah kuwa ka Shaqeeynayay dhismaha Xerada Deeyniile ee katirsan Ciidamada gorgor oo uu turkiga tababaray.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku dhintay laba Askari, halka Saddex ay ku dhaawacmeen, waxaana Xerada Deeyniile ay kamid tahay Afar Xero oo Magaalada daafaheeda ay dowladda Imaaraadka uga dhiseyso Ciidamada cusub.

Ciidamada qaraxa ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay qaar kamid ah Isbitaallada Magaalada muqdisho, waxaana goobta gaaray Ciidamo kale, kuwaas oo halkaasi ka sameeyay howlgallo wallow aysan weli dad u qaban qaraxaas.

Ciidamada Guutada gorgor oo ay soo tababartay dowladda Turkiga  ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay ka mid yihiin Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaata howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobolada dalka.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidamo katirsan kuwa Boolisa Millataro qarax Miino lagula eegtay meelo kamid ah degmada Kaxda, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Bilihii la soo dhaafay waxaa aad u soo hagaagayay amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kadib markii howlgallo xoogan ay ka sameeyeen Ciidamada Boolisa Millataro oo kaashanayay Ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ee ka howlgalla Magaalada Muqdisho.