Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu dalka Ingiriiska ka geystay kufsi ayaa loo ogolaaday in dalkaasi sii joogo.
Maxkamad ku taala dalka Ingiriiska ayaa horay muwaadinka Soomaaliyeed ugu xukuntay xabsi aad u dheer iyo sidoo kale in laga masaafuriyo dalka Ingiriiska.
Racfaan uu qaatay muwaadinkaasi Soomaaliyeed ayaa sahashay in loo ogalaado in uu sii joogo dalka Ingiriiska marka uu u dhamaato xabsiga lagu xukumay.
Muwaadinkaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Daahir Ibraahim ayaa qareenada u doodaayaa ay sheegeen in Daahir falka kufsiga uusan u sameyn si ula kac ah laakiin ay jirto Sababo ku qasbay in uu sameeyo falkaasi.
31-sano Jirkaan u dhashay dalkeena Soomaaliya ayaa maxkamad ku taala dalka Ingiriiska ay u dhaadhicisay 10 sano xabsi iyo in laga masaafuriyo dalka Ingiriiska sanadkii 2005 tii ka dib markii lagu eedeeyay in uu kufsi u geystay 3 qof oo dumar ah.
Qareenka Difaacaya in Daahir Ibraahim in uu kusii nagaado dalka Ingiriiska ayaa sheegay in go’aanka maxkamada markii horeba uu ku dhacay isfaham daro dhanka luqada ah.
Xabsiyadda iyo sidoo kale Maxkamadaha waa weyn ee dalka Ingiriiska ayaa marar badan waxaa ka soo hor muuqday dhalinyaro Soomaaliyeed oo danbiyo kala duwan loo heysto.


