Sida aan wada ognahay Haweenka waa udub dhexaadka qoyska iyo bulsho walba oo adduunka ka mid ah, waxa ayna sal dhig u yihiin nolosha guud ahaan, waana baraha iyo hagaha umadda oo dhan. Haweenka iyo dabeecadahooda Haweenka waqtiga noloshooda waxaa loo qeybiyaa saddex qeybood oo kala :
1-qaan gaarka ka hor.
2-xilliga ilmo dhalidda (child bearing age).
3-dhalmo goyn (Menopause).
Haweenka ku jira da’da dhalmada Haweenka ku jira xilliga ilma dhalista oo hela bil walbo dhiigga caadada waxaa soo wajaha is bedel ku dhaca jirkooda iyo dabcigooda taas oo ay sababtay hormoonada is bedelaya oo la xiriira wareegga dhiigga (Menstrual cycle), calaamadaha waa lagu kala duwan yahay qofba qofka kale sido kale bilba bisha kalena waa ay ka duwanaan karaan waxaa laga yaabaa bishi hore in is bedel xooggan aad dareentay halka bishaan ay yareyd waxa aad dareentay. Xilliyada caadada sida saxda ah gabadha waxa ay caadada heshaa 28kii maalinba mar ama bishii mar, celcelis ahaan waa (21-35 maalin) mar, caadi ahaan marka ay soo dhawdahay xilliga dhiigga waxaa haweenka intooda badan is bedel ku yimaadaa dabcigooda (premenstrual syndrome) sida xanaaq iyo madax xanuun ,lalabbo iyo wareer , walaac iyo naasaha oo barara, dhabar xanuun uu la socdo mindhicir majiir, kor jajab iyo caajis iyo dulqaadka oo yaraada waxa ay calaamadahaas gabdhaha qaar ku bilowdaan 7-10 maalin ka hor inta aysan caadada helin, waxaa burburaya dhismihi loo diyaarshay ilmaha beermi lahaa haddii ay suura gasho.
Raga soomaalida ayan garanin gabadha is bedelka billaha ah ee ku dhaca, waxaa laga rabaa inuu barto waqtigga gabadha ay caadada hesho marka uu arkana uu u dhimriyo oo u kaalmeeyo una sabro ileen waa maalmo koobane, sida dhaqanka soomaalida ah ayaa wuxuu yahay keliya in gabadha loo dulqaato marka ay wallacdo oo uureey tahay bes waxaa ogaansho mudan in is bedelka caadada ka xooggan tahay uur lahaanshaha.
Qoysas badan ayaa ku burbura is af garan waa ka dhasha xilliga caadada gabadha ku dhacdo waxa ay rag badan u qaataan in gabadhu si ula kac ah u dulmiso oo iyadu dhibaato abuur tahay, xaalkuse sidaa ka duwan oo waqtigaas dumarka iyagaaba naxariis u baahan waxaana daliil kuugu filan RABBI ayaba ka dhaafay waajibkii uu ku lahaa sida salaadda, soonka iyo xajkaba, marka waa in raggu gartaan waqtiyadaas in laga rabo dulqaad iyo weliba kaalmo haddii xaaskaagu ilmo leedahay ku kaalmee inad ka kaxeyso ilmaha ama ad ka aamusiso iyadana aad erayo naxriis leh iyo dabacsanaan u muujiso ka ilaalisid waxa ay dhibsaneyso .
Sida kale waxa iyana khilaf dhex maraa dadka sheeko wadaagga ah sababo la xiriira xilligga caadada gabadha, waxaa habboon in la ogaado lala socdana is bedel bileedka gabadha ku dhaca sidoo kale waxan ku guubaabinayaa dumarka in ay iyaguna yeeshaan calendar oo ay aqoonsadaan xilliga in uu soo dhowyahay marka ay dareento in is bedel kuso kordhay ogeysiisana cidda wax kala dhaxeeyaan si loo caawiyo.
Dulucda sheekada Waxaan arkay dhibaato badan oo arrintani keentay in ay sabab u noqotay burbur iyo is fahan darro badan, markaan tixraac ku sameeyeyna saldhigatay in ay sabab u aheyd marxaladda is bedelka xilliyada ay dumarku ku jiraan caadada, si haddaba aan bulshada ugu baraarujiyo waxaan go’aansaday inan la wadaago qormo ku saabsan arrinkan.
W/Q: Ilhaan Sheekh Abuukar Huwa


