Muwaadin Soomaali ah oo Cudurka Coronavirus ugu geeriyoodey K/Afrika

Alle ha u Naxariistee waxaa dalka Koonfur Afrika Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus ugu geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jirey Axmed Ibraahim Nuur Bukurow.

Daahir Cabdi Casiis oo kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa Risaala u sheegay in muwaadinka Soomaaliyeed uu maalmahaan la xanuunsanayay Cudurka Coronavirus,isla markaana uu ku geeriyooday Isbitaalka Tygerburg ee Magaalada  Cape Town.

Waa qofkii Saddexaad ee Soomaali ah oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyda dalka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihiin Soomaali farabadan.