Muslimiin Soomaali ku jirto oo Raashiin u qeybiyay Shaqaalaha Dowladda Mareykanka

Muslimiinta gobolka Ohio ee dalkan Mareykanka oo Soomaali ay ka mid tahay, ayaa billaabay hawlo samafal ah oo lagu taageerayo shaqaalaha dowladda Maraykanka oo ay saamaysay hakinta shaqada oo uu Madaxweyne Trump Sameeyay.

Shaqaalahan ayaan helin lacagtoodi mushaarka muddo bil ku dhow kadib markii ay go’day miisaaniyadda dowladda.

Maalintii shalay ayay musliminta Ohio, oo Soomaalida ay ka mid yihiin, raashin u qaybiyeen shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Columbus, waxa ayna u muuqatay in Muslimiinta gaar ahaan kuwooda Soomaalida ah ee Raashiinka u qeybiyay Shaqaalaha Dowladda Mareykanka, ay la yimaadeen arrin aanan laga fileen.