Duuliye isku soo sawiray Sariirtuu ku hoos badbaaday

Waxaa muddo sannad ah laga joogaa markii kooxda Taliban ay weerartay hotelka Intercontinental ee ku yaala caasimadda Afghanistanee Kabul, halkaasi oo lagu dilay dad gaaraya 40 qof,

Dadkii degenaa hutelka xiligii la weeraray ayaa waxaa kamid ah duuliye u dhashay dalka Giriigga, kaas oo lagu magacaabo Vasileios Vasileiou. Mr Vasileios Vasileiou ayaa waxaa uu BBC-da uga warramay waxyaabihii dhacay xiligaas, isagoona maqaalkan ka qoray:

Waxaan u casho raadsaday qeybta hoose ee huteelka oo ah meel maqaaxi ah saacadu markay aheyd lixdii galabnimo.

Markii aan casheeyay oo ay saacadu tahay 7:30 fiidnimo ayaa waxaan go’aansaday inaan ku laabto qolkii aan degenaa, si aan taleefoona u dirsado oo aan ula xiriiro qoyskeyga oo jooga caasimadda Athens ee dalka Giriigga, markii aan gaaray qolka ayaa waxaan maqlay qarax weyn oo gilgilay qeybta hoose ee dhismaha.

Markii aan maqlay dhawaqa waxan istaagay balakoonka qolkeyga, waxaanse arkay dad dhiig ka qulqulaya, waxaana maqlayay dhawaqa rasaasta.

Waxaan ogaaday in aan nasiib badanahay mar haddii aanan joogin halka uu weerarka hore ka dhacay.

Madaama aan duuliye aha, wxaaan horay u bartay sida loo maareeyo xaaladaha degdegga , waxaana marwalba oo aan tago goobaha dadweynaha aan doorbidi jiray inaan fariisto meel u dhaw albaabka.

Waxaan durbadiiba bilaabay inaan ka fikiro waxa xiga ee dhici karo, warna kama heyn inta ay la egyihiin qolyaha weerarka soo qaaday.

Markiiba waxaan ku fikiray qaabka aan isu badbaadin karo, inkastoo xaaladda xiligaasi sida ay aheyd aanan qiyaasi karin.

Waxaa ii muuqatay in kooxdii weerarka soo qaaday ay dilen dhamaan dadkii maqaaxida ku caweynayay, muddo yar kadibna meel aan iga fogeyn ayaaban ka maqlay dhawaqa rasaasta, waxaana xigay in korontadii dhan ay halmar dantay.

Qolka igu xigay ee 521 ayay kooxihii weerarka soo qaaday soo gaareen, waxaan is tusay in aysan ii wanaagsaneyn inaan meesha iska fadhiyo. Waxaan hoosta ka galay sariir uu dulsaarnaa joodari, si aan uga dhuunto kooxaha weerarka soo qaaday oo soo gaaray meel aan qolkeyga sidaasi uga fogeyn.

Waxaan dhexda ka galay sariirta iyo mara kaga xirneyd qeybta hoose, anigoo si adag ugu dhagay geesaha sariirta.

Anigoo halkii ku dhuumanaaya ayaa qolkeyga waxaa soo galay afar kamid ah kooxihii weerarka soo qaaday, waxaan markaas niyada geliyay inaan dhiman doono, oo markii-ba waxaa niyadeyda kusoo dhacay qoyskeyga iyo caruurteyda, iyo waayahii noolasheyda, intii wanaagsaneyd iyo inta xumeyd-ba.

Waxaan maqlayay oohinta iyo qeylida dadkii kale ee lagu laayay qolalka kale ee igu dhagan, halka kooxaha weerarka soo qaaday ay qoslayeen markastoy rasaas ridaan.

Waxay u qoslayeen sida dad ay u socoto xaflad weyn oo dabbaal-deg ah. Habeenkii oo dhan oo weerarka uu socday, waxaana ku hoos jiray halkeygii.

Saacadu markay aheyd 3-dii aroornimo oo kooxihii ay ka yara baxeen qolkeyga ayaa kasoo baxay sariirtii aan ku dhuumaaleysanayay, markii aan soo baxay ayaa waxaan arkay rasaas ku taala sariirtii kale ee qolka tiilay oo ay ka eegeen in uu qof ku hoos jiray iyo in kale.

Waxaan oggaaday in mar labaad aan badbaaday, waxaase aan ku fikiray waxa kale ee aan sameyn karo.

Muddo yar kadib waxaa qolkeyga igu soo galay qiiq iyo uuro, balkoonka ayaan istaagay oo waxaan arkay xarkaha telefishenka oo meel ka lalaada, waxaan tijaabiyay bal in aan kaga degi karo dhsimaha, waxaase dareemay in rasaas laygu soo riday, oo ay wax yar ii jirsatay oo ay I garab-martay, dib ayaan ugu soo laabtay qolka, oo waxaan galay halkii ay ku dhuumanayay.

Wax yar Kadib, mid kamid ah raggii hubeysnaa ayaa soo galay qolkeyga oo wuxuu ku fariistay sariirtii aan ku hoos jiray, waxaaban arkayay oo ii muuqday lugahiisa oo wuxuu candhuuf ku tufayay sagxadda.

Aad ayaan u xusuuta codkiisa oo hadii aan is dhaqaajin lahaa ama shanqari lahaa waxyar, waan dhiman lahaa.

Waxaan I galay dareen ah in ciidammada caalamiga ah ay soo geli doonaan, waxaan go’aansaday in aan halkayga iska jooga. Dableyda waxay shideen dab xoog badan, kaas oo sababy qiiq iyo uuro badan,

Qiiqa ayaa sababay in naqaska uu iigu dhago, waxaana burburay dhamaan alaabihii qolkeyga yaalay, qabow daranna wuu I hayay, maadaamma meel kasta ay furneyd, qabowga Kabul-na uu aad u darnaa xilligaasi, oo uu ahaa -3.

Saacadu markay aheyd 11.30 aroornimo waxaan dareemay in hal nin oo hubeysan oo keliya uu ka soo haray raggii weerarka soo qaaday, kaasi oo xabadda ka ridayay meel aan iga fogeyn.

Wax yar kaddib, waxaan dareemay in isagiina ay rasaasta ka sii dhamaanaysay, wuxuuna isku dayay in uu dab qabadsiiyo halkii uu ku sugnaa, balse uma aysan suurta gelin.

Waxaan dareemay aamusnaan badan, waxaanan dareemay xogaa nafis ah, kaddibna waxaan maqlay codka “boliis” oo ay dad iila muuqday inay reer Afghanistan yihiin ay ku dhawaaqayeen, balse waan ka shakiyay.

Dhowr daqiiqo kaddib waxaan haddana maqlay dad ku dhawaaqaya ereyga “boliis” oona leh lahjad ajnebi, markaas ayaan dareemay in la I soo gaaray,

Banaanka Ayaan u soo booday, anigoo maqaarkeyga oo dhan uu dabooley qiiq, oo ay adag tahay in wejigeyga la aqoonsado. Ciidammadii ayaa i soo gaaray, waxay i weydiiyeen inta saac ee aan halkaasi ku jiray, waxanan ku iri intii uu weerarka socday oo dhan.

Way i eegeen, mid kamid ah ciidammada ayaa igu yiri waxaan ku geynayaa qeybta hoose, balse inta aanan hoos ku geynin, waa in aan sawir kula galaa, si aan ugu xusuuto xaaladdan.

Waxaan ahaa qofkii ugu dambeeyay ee laga soo badbaadiyo dhismaha huteelka, xilligaasina waxaa I galay dareen culus, waxaana ku wareeray waxa aan sameeyo, ma ooyaa mise wan qoslaa!.

Qoskeyga horey ayaa loola xiriiray, waxaana loo sheegay in la hayo dadkii la soo badbaadiyay oo dhan, anigana aan ku jirin, waxayna u haysteen inaan dhintay,

Balse ma dareemi kartid sida ay nqodeen markii saacado kadib aan wacay oo aan u sheegay inaan nabad qabo.

Xeebaha dalka Giriigga marka aan la joogo saaxiibadey oo aan arko iyagoo ka cabanaya dhaqaale xumida ka jirta dalkeena iyo in aysan heysanin noolal raaxo leh, ayaa waxaan ku waaniyaa inay noolasha ku raaxeystaan.

Weerarkii Kabul kadib waxaan ogaaday in noolashu aad u macaantahay oo ay qurux badan tahay.