Wax Walba oo Maanta Laga Qoray kooxaha Waaweyn ee Qaarada yurub

Sir Alex Ferguson oo Qeyb Ka Qaadanaayo in Soljaer Laga Dhigo Macalinka Joogtada kooxda United:

Macalinkii Hore kooxda Kubada Cagta Man United Sir Alex Ferguson Ayaa door muhiim ah ka qaadanaayaa in macalinka haatan ku meel gaar ah ee Soljaer in si toos ah loogu dhiibo kooxda United.

Soljaer ayaa ka mid ahaa ciyaartooydii uu waqti dheer soo maamulay Sir Alex Ferguson Ayaa haatan waqti wacan ku qaadanaaya Old Trafford oo uu Macalin Ku Meel Gaar ka Yahay Tan Iyo Markii Laceyriyay Jose Mourinho./

Sir Alex Ferguson Ayaa Taageero xoogan u Muujiyay Qorshaha Maamulka Man United ay U Dajinayaan In Soljaer uu Noqdo Macalinkooda Joogtada ee Sanadaha soo aadan.

Arsenal oo Weli Ku Raad Joogta Rodriguez:

Kooxda Kubada Cagata ee Arsenal Ayaa Diyaar u ah in soo Afjaraan Xiisaheeda ku aada James Rodriguez oo Amaah ugu ciyaara kooxda Bayar Munich Balse Milkiyadiisa ay leedahay kooxda Real Madrid, 27-sano Jirkaan ayay doonayaan in ay Badal Kaga Dhigaan Ozile oo laga yaabo in ay iibiyaan Bishaan (Independent)

Hazard oo Sheegay In Uusan Ka tagin Doonin Kooxda Chelsea:

Laacibka Xulka Qaranka Belgiumka Iyo Kooxda Chelsea ayaa Jamaahiirta Kooxda Chelsea Niyada U Dhisay isagoona Sheegay in uusan Marnaba Ka tagin doonin kooxda Chelsea.

“haa waxan rabay in aan baxo markii uu koobka aduunka soo dhamaaday, balse waxaan ku qancay in aan sii joogo kooxeyda”

“Durba waxaan ku bilaawday si wanaagsan xilli ciyaareedkaan waxaana rajeynayaa in aan sii wado qaabka aan ku hor marin lahaa kooxdeyda, wax walbo halkaan ayan ku heestaa”

C.Ronaldo Oo Aqbalay Ganaax Ay Ku Rideen Dowlada Spain:

Cristiano Ronaldo ayaa Ugu Dambeyn aqbalay ganaax €18.8m inuu bixiyo canshuur uu la dhuuntay xiligii uu Spain joogay wuxuuna lacagtaan ku badashay xabsi 23 bilood ah.

Icardi Oo Ka Tagi Doonin Inter sida ay dheegtay Xaaskiisa.

Wanda Nara “Icardi waan hubaa 100% inuu Inter joogayo heshiis cusubna wuu saxiixayaa”

Sheekada waa isku dhamaatay Icardi meel uma socda sida marwadiisa oo wakiil u ah cadeesay.

Frenkie de Jong Oo Ku Wajahan Barcelona:

Madax Weynaha Kooxda Barcelona  Josep Maria Bartomeu Ayaa U Safray Magaalada Amsterdam Ee Dalka Netherland Si uu Ula Soo Wareego Qadka dhexe ee kooxda Ajax Frenkie de Jong oo 21-sano jir ah kasoo ay ku cariirineyso qaadshadiisa Kooxda Reer France ee PSg (Mail).