Musharax Daahir Geelle oo tacsiyeeyay ganacsade lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Maqribkii magaalada Muqdisho ku dilay ganacsade Dr Cali Cabdulqaadir Muudey oo ka mid ah dadka sida weyn looga yaqaano degmada Dharkeenley.

Laamaha Ammaanka ayaa ku guuleystay in ay toogtaan mid ka mid ah kooxihii ka dambeeyay dilka ganacsaddaha ka dib muddo ay la dagaallamaayeen.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa tacsi u diray ehelada ganacsaddaha oo la dhashay mid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle.

“Alle ha u naxariisto marxuum Cali Cabduqaadir Muudeey oo gacan ka xaq daran ay caawa Muqdisha ku dishay. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyska iyo qaraabada uu ka baxay, gaar ahaan Xildhibaan Hassan Abdulkhader Mudey oo uu walaalkiisa ahaa. Waxaan Alle uga baryayaa in uu jannatul firdawsa ka waraabiyo, reerkana samir iyo iimaan siiyo” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle.

Xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa faraha ka baxday maalmihii lasoo dhaafay, waxaa ka dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan.