Neymar ayaa laga yaabaa inuu wajaho ganaax kaga yimaada xiriirka La Liga kadib markii uu dharbaaxay xidiga Valencia Antonio Barragan Ka Dib Guuldaradii Barcelona soo gaartay xalay.
Waxaa la soo wariyay xiddiga Nou Camp inuu sidoo kale ku turay daafaca intii lagu sii socday tunnel – laakiin dhacdooyinkaan aya ahaa kuwo dib loo daawaday oo anu arkin garsoorka.
Neymar, oo 24 jir ah,ayaa dharbaaxay Barragan iyadoo kaamirooyinku muujiyeen isagoo wajiga saaraya gacmihiisa daafacan.
Barca ayaa 2-1 looga badiyay garoonkeeda waana guuldaradii seddexaad oo isku xigta oo horyaalka ah – waxaana aysan guul gaarin Afrtii kulan ee ugu dambeysay Horyaalka,
Santi Mina ayaa dhaliyay gool qurux badan ka hor xilligii nasashada, iyadoo Ivan Rakitic uu iska dhaliyay gool kale ee looga badiyay Catalan.