juventus ayaa sii wada guulaha xiriirka ah oo ay gaareyso horyaalka Talyaaniga iyado doneysa in markii shanaad oo isku xigta ay qaato, waxdaa 4-0 ay kaga badisay Palermo shalay, laakiin waxa usoo yeray war aan wanaagsaneyn hogaamiyayaasha Serie A.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Italy Claudio Marchisio ayaa seegi doona Euro 2016 – ka dib markii looga qaaday garoonka bareelo qeybtii hore.
Juventus ayaa xaqiijisay in 30-sano jirkaan jeex jilibka ka gaaray isagoo u baahan qaliin in lagu sameeyo maalmaha soo socda.
Marchisio ayaa soo qoray isagoo warbaahinta bulshada adeegsanaya, “waan ka naxay natiijooyinka baaritaanka, laakiin waa ku qanacsanahay shaqadeyda inana ku dhawacmay.


