Mukhalasiinta Tahriibisa Soomaalida oo lugooyo cusub bilaabay

Mukhalasiinta Tahriibisa Soomaalida ayaa lug gooyo cusub bilaabay taas oo ay meelo kale ugu sii safrinayaan dhallinyarada Soomaalida ah ee qaxootiga ku ah dalka Yemen.

Dalka Yemen ayaa haatan waxaa ka jira dagaalo u dhexeeya Dowladda Yemen iyo xulufada Sacuudigu hor boodayo oo dhinac ah iyo fallaaga Xuutiyiinta ah ee shiicada dalkaasi Yemen.

Dhallinyaro badan oo Soomaali ah oo jeclaan lahaa in ay dalkoodii hooyo qabtaan ayaa mukhalasiintu qasab ku keenaan Sudan iyagoo dabadeedna u jiheeya dhankaa iyo saxaraha Liibiya.

Mukhalasiinta ayaa marka hore u sheega in ay ka kaxeynayaan Dalka Yemen oo ay geynayaan Soomaaliya balse sidaa ayay u hodaan.

Dhanka kale dalka Djabuuti ayaa wuxuu isku diyaarinayaa inuu qaabilo qaxooti cusub oo ka imaanaya wadamada jaarka ah sida Yemen oo dagaalka u dhexeeya Dowladda Yemen iyo xulufada Sacuudigu hor boodayo oo dhinac ah iyo fallaaga Xuutiyiinta ah ee shiicada dalkaasi Yemen uu dhawaan soo labo kacleeyay.

Dawlada Djabuuti ayaa shalay sheegtay in ay diyaarinayso xeryo cusub oo qaxootigaa lagu qaabilo.