Mudaaharaadyo dheeri ah oo ka socda Pakistan

Dalka Pakistan ayaa wajahaya mudaaharaadyo dheeri ah iyadoo aas loo samaynayo waardiyihii hore ee dilay gafarnatoorihii hore ee Punjab, arrintaas ayaa gilgishay dalka.

Dawladda ayaa sare u qaaday ammaanka iyada oo ciidammo badan la geeyay Rawalpindi oo la filayo in ay kumanaan qof u yimaadaan aaska Mumtaz Qadri.

Dad badan oo Muslimiin ah ayaa Qadri ammaanay oo halyay ugu aqoonsaday dilkii uu u gaystay Salman Taseer sanadkii 2011-kii, wuxuu u dilay in uu ka soo horjeeday xukumada lagu qaado dadka wax u dhima diinta.

Dilkii loo gaystay Isniintii wuxuu sababay in kumanaan dad ah ay isugu soo baxaan wadooyinka dalka Pakistan.

Taageerayaasha Qadri intooda badan waxay mudaaharaadyo nabad ah ka dhigeen wadooyinka Karachi, Lahore, Islamabad sidoo kalana waxay gooyeen wadooyinka waawayn ee gala Islamabad.

Dadka mudaaharaadaya ayaa taariyo gubay waxayna qaadayaan hal ku dhagyo