Bale oo Tababarka kooxda Real Madrid kusoo Laabtay

Gareth Bale ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda koowaad ee Real Madrid ka dib markii uu kasoo kabsaday  dhaawac kubka ah oo uu la maqnaa tan iyo bishii Janaayo.

xiddiga reer Wales ayaa saftay kulankii ugu danbeysay ee kooxda markii guul 5-1 ah ka gaartaykooxdiisa  Sporting Gijon, laakiin inkastoo uu ku soo laabtay kooxda koowaad, shaki ayaa la gelinayaa in ciyaaryahanka garabka ka ciyaara uu ciyaaro kulanka Arbacada  Levante ay wajaheyso Madrid.

Tababare Zinedine Zidane ayaa si taxadar leh kaga fiirsanaya xaalada dhawac ee 26 jirka ugu qaalisan addunka ,kasoo dhawacyo wajahay inta badan xili ciyaaaredkan.