Alex Iwobi ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee caalami ah xulka Nigeria halka Kelechi Iheanacho uu sii wato bandhigiisa wanaagsan ee xulka.
Wiilka Arsenal Alex Iwobi ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay xulka Super Egles oo kulan isreebreebka koobka adduunka katirsan ka badiyay xulka Zambia.
Iwobi, oo todobaadyadii la soo dhaafay wacdaro ka dhigayay kooxda Arsenal ayaa Nigeria hogaanka u dhiibay ka hor inta uusan laba gool dhalin Iheanacho qeybtii hore ee ciyaarta.
Collins Mbesuma ayaa hal gool qeybtii labaad ee ciyaarta u dhaliyay Zambia, laakiin Nigeria ayaa ugu dambeyn ku badisay ciyaartaan 3-1.


