Daafaca dambeedka midig ee Arsenal Hector Bellerin ayaa ka mid ah afar daafac midig oo uu isha ku hayo macalin Pep Guardiola, isagoo doonaya inuu kusoo darro kooxdiisa Manchester City, sida laga soo xigtay The Times.
City ayaa sare u qaaday doonista daafacyo kale xili Bacary Sagna, Pablo Zabaleta, Gael Clichy iyo Aleksandar Kolorov dhamaantood da’doodu ka weyn tahay 30 jir.
tababarihii hore ee Catalan ayaa la filayaa inuu suuqa geliyo £100 milyan si uu usoo xero geliyo daaafacyo muhiim ah xili ciyaareedkaan.
Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu waqti dheer jeclaa Bellerin, kaas oo la sheegay in lagu qiimeeyo ku dhowaad £40 milyan haddii uu ka tagayo kooxdiisa, halka Barcelona sidoo kale lala xiriiriyo daafacaan.
Valencia ninka katirsan ee Jose Luis Gaya – ayaa sidoo kale la sheegay inuu bartilmaameed u yahay kooxda Manchester City.


