Rabaad-RisaalaFM- Labada dal Soomaaliya iyo Morocco, ayaa maanta magaalada Rabaad ku kala saxiixday heshiis iskaashiga dhanka waaya aragnimada iyo khibradd arrimaha Diinta.
Dhinaca Soomaaliya, waxaa heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim(Baqdaadi) iyo Dhigiisa dalkaasi Axmed Al-towfiiq.
Heshiiskaa kadib, waxay labada wasiir munaasabadaa isku dhaafsadeen, hadallo ka tarjumayay cilaaqaadka labada dal, iskaashiga Culumada Soomaaliya iyo Marocco iyo guud ahaan arrimaha qadiyadaha shucuubta Islaamka.
Dowladaha Marocco iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan oo mudooyinkii dambe uu ahaa mid sii xoogeystay.


