Midowga Yurub ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in ay mushaarka ka jarayaan Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howl galka AMISOM, si cadaadis loogu saaro masuuliyiinta dalka Burundi in ay aqbalaan wada xaajoodyada lagu soo afjarayo qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas.
Diblomaasi ka tirsan Midowga Yurub oo la hadlayay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in aysan sii socon karin taageerada ay siiyaan Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.
Ciidamada Burundi ee ka tirsan howl galka AMISOM ayaa waxa uu askari kasta bishii mushaar ahaan uu u qaataa 1,000, iyadoo la sheegay in dowladda Burundi ay dalka Soomaaliya ka joogaan 5,400 askari.
Midowga Yurub ayaa horay u jaray kaalmada dhaqaale ee ay siin jireen Burundi, kadib markii Madaxweyne Peirre Nkurunziza uu mar saddexaad isu soo sharaxay doorashada madaxtinimada.


