DHAGEYSO: Maamulka G/Banaadir ”Al-shabaab yaan la siinin gabaad”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dadka barakacayaasha ah ee ku nool xerooyinka muqdisho ugu digay in aysan gabaad siinin Al-Shabaab oo aysan u qarin hubka iyo bambaanooyinka ay dadka ku dhibaateynayaan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan marnaba ogolan doonin in lagu dhuunto xerooyinka ay degan yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku nool muqdisho.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale aya ka hadlay cabashada dadka qaar ee reer muqdisho ee ku aadan in aan loo dhameyn guddiga golaha deegaanka ee uu magacaabay gudoomiyaha gobolka.

Gudoomiyaha ayaa sheeegay in maamulka gobolka uusan qabiil wax ku qeybin isla markaana loo baahan yahay in shacabka soomaaliyeed ay ka gudbaan nin jecleysiga iyo qabyaalada.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hadalkaani ka sheegay ka dib markii uu maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uuna shirkaasi jaraa’id sidoo kale kaga hadlay xaalada guud ee gobolka iyo sida loo dhaqan geliyay go’aanadii ka soo baxay.