Midowga Musharixiinta oo ka hadlay weeraradii ka dhacay Shabeellaha Hoose

Qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay ka hadleen werradii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee degmada Awdheegle iyo degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal oo soo saaray Musharax Madaxweyne ahna Afhayeenka Midowga Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle  ayaa waxaa uu ku sheegay in uu murugada la qeybsanayo qaybsanaynaa dhammaan bulshadeenna, ciidamada xoogga dalka iyo ehaladii ay ka baxeen ciidamadii iyo saraakiishii ku shahiiday dagaalkii Maanta ka dhascay Shabeellaha Hoose.

Dhinaca kale Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur kana mid ah Midowga Musharixiinta ayaa cambaareeyay weerar Al-Shabaab ku qaadeen fariisimaha Ciidanka Xooga Dalka ee Bariire iyo Awdheegle ee Gobolka Shabeelada Hoose, isaga oo ku baaqay in la garab istaago Ciidamada.

Hoos Ka Akhris qoraalka Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle  

Waxaan murugada la qaybsanaynaa dhammaan bulshadeenna, ciidamada xoogga dalka iyo ehaladii ay ka baxeen ciidamadii iyo saraakiishii ku shahiiday dagaalkii shuhadadaas iyo argagixisada ku dhex maray  goobihii ay isaga hor yimaadeen 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Kooxda Argagixisada Alshabaab waa mushkilad halis ku ah jiritaanka dadka, dalka iyo xasiloonida gobolka oo dhan, una baahan in si wadajir ah loogu istaago ciribtirkooda.

Ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed waa darbiga adag ee dalka iyo dadkaba ay ku tiirsan yihiin, had iyo jeerna u taagan sugidda iyo difaaca amniga dalkeenna,  dadkeenna iyo danaha qarankeenna.

Ciidamadu si ay waajibkooda qaran u gutaan waxay mudan yihiin in si buuxda looga haqab-tiro hubkooda, saadkooda, si joogto ahna sare loogu qaado xirfaddooda iyo aqoontooda.

Hoos Ka Akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Waxaan canbaaraynayaa weerarka fulaynimo ee ay argagexisada Alshabaab ku soo qaadeen fariisimaha Ciidanka Xooga Dalka ee Bariire iyo Awdheegle ee Gobolka Shabeelada Hoose. Waxaan ammaanayaa sida geesinimada leh ee ay ciidanku ugu jawaabeen cadawga. Haddii ciidanka laga dhex saaro siyaasada, laguna  jiheeyo cadawga qaranka wuxuu helayaa taageerada shacabka iyo siyaasiyiinta, waana sida keli ah uu kaga guulaysan karo argagexisada.