DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in uu ka dhacay Maqaaxi ku taal meel u dhow Xarunta degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan nooca qaraxa, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ruux iski soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Maqaaxida, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxa.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo xiray wadooyinka soo gala Maqaaxida.

Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com.