Dagaal culus ayaa caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasoo qaar badan oo ka mid ah dadka kunool Caasimadda caawa ay kusoo baraarugeen.
Dagaalka oo la sheegay in uu dhaxeeyay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Ilaalada Midowga Musharaxiinta ayaa ka dhacay daljirka Dahsoon.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu weerar kusoo qaaday Madaxweynaha waqtigiiso dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxa uu tilmaamay in ay nasiib daro tahay in lagu soo weeraro hoteelkii ay deganaayeen loona adeegsado hub culus.
“Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga & madaxweynihii hore Sharif Sheikh Ahmed. Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaanbax nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan..”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Wax war wali kama soo bixin dowladda uu dhamaaday waqtigii loogu tala galay.



