Midowga Musharaxiinta oo faahfaahiyay sida uu dhacay weerarka lagu soo qaaday?

Afhayeenka Guud ee Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo goordhow warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in weerar gaadmo ah Madaxweynihii waqtigiiso dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kusoo qaaday Hoteelka Maaida.

Hoteelka waxaa degan Madaxweynayashii hore ee dalka iyo Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sidda ay sheegeen weerarka waxaa uu ahaa mid qorsheysan, waxaana ay meesha ka saareen in ciidamo ay kala shakiyeen.

Waxaa uu tilmaamay in Mudahaaradka nabada ah uusan joogsan doonin oo uu socon doono tan iyo inta laga helaayo doorasho xalaal ah.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii ku sugnaa Hoteelka ayaa sheegay in ay Madaxweynaashii hore ee dalka ay ka badbaadeen isday dil.