Ciidamada gaarka ah ee Midowga Musharaxiinta ayaa hadda la wareegay Taalada Daljirka Dahsoon ka dib markii dowladda Soomaaliya ay kasoo jawaabi weysay baaqii Musharaxinta ee ahaa in hay’addaha Ammaanka ay suggaan Ammaanka banaanbaxayaasha.
Ciidamadaan ayaa waxaa hoggaaminaya Generaal Yuusuf Siyaad Indhacade, waxana uu warbaahinta u sheegay in Ammaanka madaxda iyo shacabka ay sugi doonaan.
Generaal Indhacade ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ay jooggaan meelo kale oo ka baxsan dalka jirka Dahsoon oo laga yaabo in berri ay xirto dowladda Soomaaliya.



