Todobo qof oo maanta Cudurka Karoonaha ugu geeriyooday Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka dowlada Soomaaliya ayaa faahfaahisay Wararkii ugu dambeeyay Cudurka COVID 19 ee Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in maanta guud ahaan Cudurka laga helay 132 ruux oo ku sugan , islamarkaana ay sare u sii kacayaan kiisaska cudurka Karoonaha.

Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 790

Laga Helay: 132

Banadir:      132

Lab:               83

Dhedig:         49

Dhimasho:     7

Bogsashada: 9

Tirada Guud ee Laga Helay: 5632

Bogsashada Guud: 3,757

Dhimashada Guud: 179