Koox hubeysan ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku diley nin la sheegay in uu ka mid ahaa shaqaallaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Al-Barakah oo la sheegay in uu deganaa, waxaana toogtay Koox ku hubeysan Bastoolado oo la sheegay dilka ka dib in ay goobta ka baxsadeen.
Ninka la dilay ayaa waxa lagu Magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cosoble(Cabdi Madoobe), waxaana uu ahaa Darawal ka mid ah darawaladda Wasaaradda Arimaha Gudaha.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.