Kooxo hubeysan ayaa maanta degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda KPP ku dilay nin la sheegay in uu ka mid ahaa Shaqaallaha dowladda.
Ninka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Cumar Xasan Ganey waxaa uu ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda qorsheynta ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Kooxo hubeysan oo watay Bastoolado ayaa toogtay xilli uu kasoo baxay gurigiisa oo halkaasi ku yaalla.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya, islamarkaana bilaabay Baritaano kala duwan .



