Meydadka laba qof Soomaali ah oo laga helay Xeebta Magaalada Mombassa

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Mombassa ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta Xebta Magaaladaas laga helay meydadka laba Dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo badddu qaaday, xilli ay dabaalanayeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dadkaasi shalay gelinkii dambe ay Baddu qaaday xilli ay ku sugnaayeen degaanka Fidingo oo kuyaal duleedka Magaalada Mombassa, waxana la la’yahay qof saddexaad oo la socday, waxana Magacyada  labada dhalinyarada ah lagu sheegay Maxamed Xasan Daahir halka kana kale Magaciisa lagu soo koobay Ibrfahim Qare.

Meydadka dhalinyarada la helay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka JOJAM ee Magaalada Mombassa, waxaana dhacdadaan aad uga naxay dadka ku nool Magaalada Mombassa oo Maanta aad u hadal haaya.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in labada dhalinyarada ah ee Badda ku geeriyooday mid kamid ah uu ka howlgelli jiray Shirkadaha Ganacsi ee ka Shaqeeya Magaalada Mombassa.

Waaxda Ciidamada Badda iyo Ciidanka Booliska degaanka Fidingo ayaa waxaa ay wadaan qrsho ay ku badi goobayaan meydka qofka Saddexaad oo la aminsan yahay in uu weli badda ku maqan yahay.