Akhriso:- Taariikhda Saynisyahankii Nukliyeerka Pakistan oo geeriyooday

Dr. C/qaadir Khan waxa uu sanadkii 1936-kii ku dhashay magaalladda Bhopal ee dalka Hindiya, waxayna isaga iyo Qoyskiisa u soo haajireen dalka Pakistan sanadkii 1947-kii.

Markii uu wax ka ogaaday Tijaabadii Nukliyeerka Hindiya ee sanadkii 1974-kii, waxa uu ku biiray Hankii Qaranka Pakistan ee Helitaanka Hubkaasi.

Waxa uu dadaal dheer u galay Horumarinta Awooda Nukliyeerka, waxa uu sanadkii 1976-dii asaasay Shaybaarada Khan ee Cilmi-baarista Nukliyeerka ee (The  Khan Research Laboratories).

Waxa uu sanadkii badan ahaa Madaxa Guud ee Saynisyahanada iyo Agaasimaha Xaruntaasi.

Waxa uu samayntiisa iyo Tijaabinta Hubka Nukliyeerka Pakistan ku muteystay Billada Abaalmarinta U Adeegida Qaranka  (The Nishan-i-Imtiaz).