Saraakiisha militariga ee ka hoos shaqeeya Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa soo gabagabeeyay tababar shan maalmood ah oo ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa awoodaha wadajirka ah si loo yareeyo khatarta ka imaan karta aaladaha qarxa ee la diyaariyay .
Tababarkaan oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Dhexe ee Ciidanka AMISOM oo kaashaneysa Kooxda Taageerada Hawlgalka Boqortooyada Ingiriiska ayna fududeysay Xarunta Taageerada Nabadda ee Caalamiga ah (IPSC), ayaa waxaa ka qaybgalay 22 sarkaal oo milateri ah, oo laga soo kala xulay dhammaan waaxaha AMISOM iyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Taliye Ku -Xigeenka Ciidanka AMISOM ee u qaabilsan Taakulaynta iyo Saadka, Sarreeye Gaas Gerbi Kebede Regassa, ayaa xusay in tababarku uu gacan ka geysan doono ka hortagga halista qaraxyada iyo ugu dambayntii hirgelinta waajibaadka Hawlgalka.
“Joogitaanka ciidamo si fiican u tababaran oo qalabaysan si ay ula dagaallamaan khataraha noocaas ah waxay gacan ka geysan doontaa hagaajinta xaaladaha dhulka, dhisidda kalsoonida, iyo fulinta waajibaadka ciidanka,” ayuu yiri Taliye Ku-xigeenka Ciidanka.
Wuxuu xusay in aqoonta iyo xirfadaha laga bartay tababarka ay sidoo kale ka caawin doonaan AMISOM iyo xoogga dalka inay si fiican u qorsheeyaan hawlgallada lagu soo celinayo nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.
“Xirfadaha aad ku baratay koorsadan waxay awood kuu siinaysaa inaad qiimayso, qorshayso oo aad maamusho hawlgalada goobaha halista ah. Waxa kale oo aad hadda ku qalabeysan tahay , habab, geedi socod iyo dhaqammo lagaa rabo inaad ku shaqayso mar kasta oo aad qorsheynayso hawlgallada milateri, ”ayuu yiri Maj. Gen. Regassa.
“Xirfadaha aad ku baratay koorsadan waxay wax weyn ka tari doontaa yareynta halista qaraxyada ee Soomaaliya; waxay sii kordhin doonaan marin -u -helidda aagag badan waxayna aakhirka gacan ka geysan doonaan awooddeena aan ku xasilin karno Soomaaliya, ”ayuu raaciyay DFC.
Taliyaha Kooxda Taageerada Hawlgalka Boqortooyada Ingiriiska Colonel Torcail Stroud-Caules, ayaa u hambalyeeyay ka qaybgalayaasha tababarka, wuxuuna ku boorriyay inay si ballaaran u adeegsadaan aqoonta la helay, si looga hortago halista ka imaan karta qaraxyada.
Injineerka ugu sarreeya ciidamada AMISOM, Korneyl Saheed Sadiiq, ayaa xusay in tababarku yahay mid waqtigiisii ku habboon oo muhiim u ah ka hortagga walxaha qarxa, oo ay Al-shabaab geystaan kana dhashaan saameyn ba’an.
“Tababarkii aad halkan ku bixinay shantii maalmood ee la soo dhaafay wuxuu gacan ka geysan doonaa dadaallada lagu yareynayo khatarahaas. Tan waxaa lagu gaari karaa iyada oo la hubiyo in aqoonta aad ku heshay dadaal badan aad sameeysay., ”ayuu xusay Col. Sadiiq.
Tababarkaan la xiriira ka hortagga qaraxyada ee la siiyay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya & kuwa AMISOM ayaa kusoo aadaya xilli mararka qaar qaraxyo khasaaro geysto lala eegto Ciidamada, isla markaana ay geystaan Al-Shabaab.a



