Ciidamada dowladda Soomaaliya oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Ciidamada Qeybta 27aad Xooga Dalka Soomaliyeed ayaa Howlgalo waxa ay ka sameeyeen Degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga AlShabaab kala wareegeen degaano ka tirsan Gobolkaasi.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheewgeen in degaannada howllada laga sameeyay oo u dhow degaanka xaaji cali oo hoostaga degmada Cadalle mararka qaar ay daka ku dhibaateyn jireen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgallada ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Gutada Afaraad Saneey Cabdulle & Taliye kuxigeenka qeybta 27aad  Janeraal Saalax Muumin Muuse  & saraakiil kale, waxaana Ciidamadu ay la wareegeen degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Afhayeenka howlgallada iyo xiriirka Bulshada ee qeybta 27aad Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Xidigle Xasan Siyaad Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada ay howlgalka kula wareegeen degaannada Bursa-sheekh, Daanyeereey, Birta-dheer iyo Aaga degaanka Nuur Xooshow & degaano kale.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada xooga dalka ay howgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta degaannada kale laga saarayo Gobolka Shabeellaha Dhexe si amniga loo xaqiijiyo.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa mararka qaar waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyaan degano iyo degmooinka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, hayeeshee ay mararka qaar weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.