Minnesota-RisaalaFM- Waxaa maalintii 13-aad maxkamad ku taal gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ka socota dhageysiga dacwad ciqaabeed loo heysto dhalinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay doonayeen in ay ku biiraan ururka Daacish ee ka dagaalanta dalalka Bariga Dhexe.
Maxkamadda ayaa shalay waxa ay su’aalo weydiisay C/risaaq Warsame oo saaxiib la ahaa sadaxda dhalinyaro ee haatan loo fadhiyo dhageysiga dacwad ciqaabeedkooda, waxa uuna C/risaaq qiray in saaxiibadiis ay qorsheynayeen in ay u ambabaxaaxn dalka Syria, si ay uga qeyb qaataan dagaal diimeedka dadka lagu qalday ee ka socdo gudha dalka Syria, waxaase hadalladaasi gaashaanka u daruuray waalidiinta dhashay sadaxda dhalinyaro oo sheegtay in arinkaasi uu yahay waxba kama jiraan.
Sikastaba ha ahaatee, maxkamada federaalka gobolka Minnesota ayaa waxa ay maanta bilaabeysaa dhageysiga dacwad ciqaabeedkii loo heystay Maxamed Cabdixamiid Faarax, C/raxmaan Yaasiin Daa’uud iyo Guuleed Cali Cumar oo dooneysay in ay ku biiraan kooxda Daacish islamarkaana uu ku marqaati furay C/risaaq Warsame oo saaxiib la ahaa sadaxda eedeeysane.
Ma’ahan markii ugu horeysay oo dhalinyaro Soomaali ah oo loo heysto faldanbiyeedyo nuucaan oo kale ah la soo taago maxkamado ku yaal dalka Mareykanka si wax looga weydo danbiyada lagu soo oogay.


