Howlgallo dad lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Hiliwaa iyo Yaaqshiid

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya xaafado ka tirsan degmooyinka Hiliwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyeen degmooyinkaasi.

Xaafadaha howlgallada laga sameeyay ayaa waxaa ka mid ah Carafaad, Suuqa xoolaha Ceymiska iyo Coca cola.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku soo qab qabteen dad kor udhaafaya 100 ruux.

Saraakiisha hogaamineysa howlgalkaasi oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga.

Waxa uu sheegay in howlgalka ay ku soo qab qabteen Dhalinyaro fara badan oo baaritaano dheeraad ah ay ku sameyn doonaan, isagoo intaa ku daray in ay sii deyn doonaan cidii lagu waayo dambi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan waxa ay degmooyinka gobolka Banaadir ka wadeen howlgallo amni xaqiijin inkastoo mararka qaar ay dhacaan falal la xiriira amni darada.