Maxay kawada hadleen Wasiir Cali Xoosh iyo Odayaasha Dhaqanka Magaalada Dhuusamareeb?

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug.

Wasiir Cali Xoosh ayaa odayaasha u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaarisay shuruucda iyo habraacyada doorasho qof iyo cod ah, isla markaana iyadoo kaashanaysa Dowlad Goboleedyada ay awoodda maamulka dalka dib ugu celineyso shacabka Soomaaliyeed oo ay si dimuqraadiyad ah u soo doora doona hoggaankooda.

Sidoo kale Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Galmudug ayaa xalay kulankaas ka sheegay inay diyaar u yihiin in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay u soo doortaan hoggaanka dalkooda.