Ganacsade ka soo jeeda Qowmiyada Amxaarada oo lagu dilay Magaalada Adis Ababa

Wararka laga helayo magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in halkaasi Isniintii 30ka Disembar 2024 lagu dilay Ganacsade Biresaw Minaale oo caan ahaa, kana soo jeeda Qowmiyada Amxaarada.
Biresaw Minaale ayaa la sheegay inay dabley hubeysan ku toogteen bannaanka Guriga uu ka deganaa xaaladda Lemi Kura ee magaaladda Addis ababa. Wuxuuna ahaa ganacsade leh Hoteelo, Warshad Shamiintada sameysa iyo shirkado kale.
Xilliga dilku dhacay ayaa la sheegay inay maqneyd Korontada xaafadaasi, taasoo looga shakiyay in dilku ahaa mid qorsheysan.
Arrintan ayaa muujineysa amni darrada ka jirta caasimadda Itoobiya iyo ugaarsiga lagu hayo haldoorka Amxaaradda oo halgan hubeysan kala horjeeda maamulka Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.