Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan wadanka Turkiga ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Numan Kurtulmuş,waxaana kulanka uu daba socdaa shirka 5-aad ee madasha baarlamaanada Qudus oo ka dhacay Magaaladaasi.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo dhigiisa dalkaasi Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga baarlamaanada labada wadan, in si deg deg ah loo bilaabo wada shaqeynta guddiyada saaxiibtinimada labada baarlamaan Iyo sidoo kale xorriyada Falastiin iyo xal ka gaaristeeda.
Sidoo kale , Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la kulmi doona madaxda iyo mas’uuliyiinta ka qayb galaysa shirka 5-aad ee Baarlamaanka Al-Qudus ee ka socda dalka Turkiga isaga oo kala hadli doono Xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka ka qayb galaya shirkaas .



