Haweeney caan ka ahayd Barta TikTok oo la dilay

Om Fahad oo magaceeda Rasmiga ahaa Ghufran Sawadi ayaa lagu dilay Caasimadda dalka Iraq ee Baghdad.

Nin dabley oo watay mooto ayaana tacshiirad huwiyey Om Fahad, xilli ay ku dhex jirtay gudaha Gaarigeeda oo taagnaa banaanka Guriga ay ka deganayd Degmadda Zayouna ee Caasimadda dalkaasi ee Baghdad.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in Guddi Khubaro ah loo saaray Baaritaanka dilka Haweeneydaasi caanka ka ah Baraha Bulshada.

Docda kale, Om Fahad waxaa Barteeda TikTok ku lahayd Tobanaan Kun oo Macaamil (followers), iyadoo ku soo bandhigi jirtay Qoob-ciyaarka  iyo Pop Music.

Bishii February ee sanadkii hore ee 2023-kii waxay Maxkamad ku xukuntay Xabsi 6 bilood ah, kadib, markii lagu helay inay Barta TikTok soo dhigtay Muuqaalo hoos u dhigayo Anshaxa Guud iyo Xishoodka.