Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiirka Difaaca Talyaaniga & Safiir Cindy McCain?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay Rome, Wasiirka Difaaca dalka Talyaaniga  Guido Crosetto.

Wasiir Crosetto ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha booqashada iyo wada-xoojdyada ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Talyaaniga xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo milatariga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, gaar ahaan dib u habeynta ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la kulmay Safiirka Maraykanka u fadhida Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome, Danjire Cindy McCain ayaa la wadaagay qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara.

Safiirka Maraykanka u fadhida Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dadaalka dowlada ay uga hortagtay in macluul ay ka dhacdo Soomaaliya, gurmadka abaaraha iyo samata-bixinta deegaannada la xoreeyey, waxa ayna tilmaamtay in ay laba-laabayaan taageerada iyo garab istaagga dowladda.