DAAWO:-Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo saaray Ammar joojn dhismo

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud( Dabaan) ayaa soo saaray Amar joojin Dhismo oo ku socda Taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa Qoraal uu soo saaray 6 bishan Febaraayo 2023, ku sheegay in Dhismaha la joojiyey uu yahay Dhul ku yaalla Degaanka Gubadley ee u dhaxeeya Xerada Geed Timir iyo Kawaanka Horseed, kaasoo asalkiisu ahaa Goofka Maxamuud Cumar Faarax, kana kooban 51 Boos oo midkiiba yahay 20X15mt.

Dhulkan ayaa wararku sheegayaan inuu ka mid ahaa Goobtii Dab-ridka Xerada Milateriga ee loo yaqaan Geed-Timir, balse waxaa cabiray sarkaal Milateriga Soomaaliya ka tirsan oo Degaankaasi awood ku leh iyo Guddoomiyaha degaanka Gubadley, waxaana hadda dadkii loo cabiray oo gaaraya 19 Qof, heystana Dokumentiyo lahaansho ay Dacwad geysteen Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Halkan ka Daawada Warbixinta oo dhameystiran