Muqdisho-RisaalaFM- Kadib Qaraxii 14-kii bishan October ka dhacay isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen in ka badan 280 qof, halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 300 oo qof ayaa intaasi kadib magaalooyinka dalka gaar ahaan Muqdisho waxaa ka dhacay Banaanbaxyo falkaasi looga soo horjeedo.
Dadka Banaanbaxa dhigayay oo isugu jiray Rag iyo Dumar oo ay u badnaayeen dhalinyaro, iyaga oo Qaraxaasi aad uga carooday ayaa waxa ay madaxyadooda ku soo xirteen Marooyin Guduudan, taasi oo dadka qaar ay siyaabo kala duwan u fasirteen.
Haddaba Maxay maradaasi Guduudan ay ka turjumaysaa oo ay soo xirteen dadka dibad baxa dhigayay oo ka soo horjeeday Qaraxaasi ?
Qaar ka mid ah dadka dibadbaxa dhigayay ayaa sheegay in ay maradaan ay ka turjumayso dhiiga dadkii ku dhintay weerarkaasi ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaaladda Muqdisho.
Waxaa inta badan aan ka war haynaa in marka ay dadka caalamka samaynayaan Baroordiiq ay soo xirtaan mara Madow ah oo ay ugu Baroordiiqaan dadka ay waxyeeladda soo gaartay.
Balse dadka Soomaaliyeed ayaa sameeyay mid taasi ka duwan iyagoona soo xirtay mara Gaduudan oo ay ku sheegeen in ay ka turjumayso dhiiga dadka naftooda kuwaayay qaraxii musiibadda ahaa ee ka dhacay isgoyska Zoobe.
W/D:- Cabdalla Cali Maxamed



