Maxay Imaaradka Carabta ka yiraahdeen Heshiiska ay gaareen Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya?

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay soo dhaweysay heshiiskii Turkiga uu garwadeenka uu ka ahaa ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo lagu soo afjarayay khilaafkii u dhaxeeyay labada dal.

“Tallaabadan muhiimka ah waxay xoojin doontaa xiriirka labada dal iyo sidii gacan looga geysan lahaa xasilloonida iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Geeska Afrika”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaan ka soo baxay  wasaaradda arrimaha dibadda ee Khaliijka .

Bayaankaan  ayaa lagu caddeeyay sida ay Imaaraadka Carabta uga go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo qaab nabadeed.

War saxaafadeedka ayaa lagu Muujiyay dadaalka Turkiga iyo doorka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee ka mira dhalinta heshiiska,iyadoo dhanka kale wada-hadallada ku tilmaamay in ay ka dhigan yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo arrimaha gobolka iyo kan caalamka.