Qoyska Maxamed Cali waxa ay ku dhawaaqeen in aaska feeryahanka maalinta jimcaha uu ka dhicidoono magalada uu ku dhashay ee Louisville ee Kentucky.
Afhayeen u hadlay qoyska Cali waxa uu sheegay inuu ahaa muwaadinka caalamka, uuna jeclaan lahaa in dhammaan dadka inay aaskiisa xaadiraan.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton, waxa uu ka mid noqondoonaa hogaamiyayaasha aaska ka qeybgalidoona.
Maxamed Cali waxa uu ahaa 74 sano jir, seddax jeer ayuuna ku guuleystay tartanka feerka culus.
Aaskiisa waxaa loo dhigayaa sida diinta islaamka ay qabto, laakiin dad diimo kala duwan aaminsan ayaa ka qeybgalidoona.
Geerida Maxamed Cali ayaa waxa ay hareysay siyaasadda Mareykanka iyo u loolamidda doorashada.
Dadka tacsida u sameeyay waxaa ka mid ah Donald Trump, oo ay u badan tahay inuu noqdo musharraxa xisbiga Jamhuuriga, ayaa sheegay in Maxamed Cali uu ahaa nin ku weyn horyaalka feerka, uuna ka dhintay dadka oo dhan.
Laakiin sanadkii tagay, ninkii ugu caansanaa tartamada feerka, Maxamed Cali waxa uu cambaareeyay hadalkii Trump ee ahaa in Muslimiinta uu ka mamnuucayo inay Mareykanka galaan.
Mid kamid ah musharrixiinta xisbiga dimuquraadiga, Senator Bernie Sanders, waxa uu Donald Trump ku eedeeyay munaafaqnimo.
Hilary Clinton oo ugu cadcad dimuquraadiyiinta ayaa dhankeeda waxa ay sheegtay inay tahay in Trump lagu dacweeyo hadalladiisa iyo ficilladiisa.