Arizona-RisaalaFM- Feeryahankii caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay oo Todobaadkan gudihiisa ku geeryoodey Isbitaal ku yaala magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ayaa waxaa lafiayaa in maanta lagu aaso gobolka kentucky , iyadoo aaskiisa ay ka qeyb gali doonaan Madax fara badan oo ka kala socota wadamada caalamka.
Madaxda ka qeyb galeysa aaska Maxamed Cali Kalaay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Boqorka Jordan Boqor Cabdallah.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Barak Obama ayaa la sheegay in uusan ka qeyb gali doonin Aaska Maxamed Cali Kalaay, waxaana lagu sababeeyay in Madaxweyne Obama uu ka qeyb gali doono xaflada qalin jabinta gabadhiisa.
Imaam caan ka ah gobolka California Zayid shaakir ayaa salaada janaasada dujin doona dadka ka soo qeyb galaya Aaska Maxamed Cali kalaay.
Afhayeen u hadlay qoyska Maxamed Cali Kalaay ayaa sheegay in aaska uu maalnta oo Jimco ah uu ka dhici doono magaalada Louisville ee gobolka kentucky oo ah halka uu ku dhashay.
Maxamed Cali Kalaay oo ahaa Halyeey ku weyn qalbiyada shacabka aduunka ayaa safka hore kaga jiray Feeryahanada Waaweyn ee Taariikhdu mar walba ay xusi doonto.


