Addis Ababa-RisaalaFM- Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii Al-shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha ayaa ku amaantay ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM iyo ciidanka Soomaalida sida deg dega ah ee ay uga jawaabeen weerarka iyo geesinimada ay muujiyeen.
“Weerarrada kan oo kale waxa uu muujinayaa sida Al-shabaab ay awoodooda uliidato, oo hadafkooda qura uu yahay in shacabka laayaan”
Dr. Nkosazana ayaa waxa ay carrabka ku adkaysay in weerarka fashilmay uu caddayn u yahay awoodda ay AMISOM u leedahay in ay si saameyn leh uga jawaabi karto halista argagaxiso.
Guddoomiyaha ayaa waxa ay tacsi u dirtay qoysaska askarta geeriyootay, waxaan ay caafimaad degdeg ah urajeysay dadkii ku dhaawacmay dagaalka.
Guddoomiyaha ayaa markale waxa ay celineysay ka go’naanshaha Midowga Afrika inuu sii wado taageerada uu siiyo Dowladda Soomaaliya iyo dadkeeda ee dadaalka ugu jira inay helaan nabad waarta.
Dhanka kale Dowladda Itoobiya oo dhankeeda war ka soo saartay dagaalka ayaa sheegtay in ciidankeeda aan khasaare sidaa ubuurneen uu ka soo gaaray dagaalka Halgan, inkastoo Al-shabaab ay dhankooda sheegeen in khasaare Lixaad leh ay gaarsiiyeen ciidanka Itoobiya.
Wali ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.


