Baydhabo-RisaalaFM- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun ku riday nin Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed 6-dii Bishan June Masaajid ku yaalla Magaalada Baydhabo ku dhex dilay Sheekh Maxamed Madeer oo Xilligaas Tukanayay Salaada Taraawiixda.
Maxkamadda ayaa shalay shaacisay in ay soo gaba gabeysay dhageysigii dacwadda raggii ka dambeeyay dilkii loo geystay Sheekh Maxamed.
Gudoomiyaha Maxkamadda darajadda Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay saaka ninkaasi xukun dil ah lagu riday kadib markii uu qirtay in uu geystay dilkaasi waxaana ninkaasi lagu magacaabaa Maxamed Aadan Cali Barrow.
Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Labo Nin oo kale islamarkaana la sheegay in ay Gacansiiyeen ku Xukuntay Xabsi daa’in.
Warbixinta warkan waxaa magaalada Baydhabo inooga soo diray Wariyaha Risaala ee degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera).



