Maxaad ka taqaanaa Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee berri ka furmaya Muqdisho?

Waxaa lagu waddaa in maalinta berri ah uu ka furmo Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xalane Shirka Madasha iskaashiga Soomaaliya oo ah Madal ay kasoo qeyb galaan dhammaan dowladdaha taageera Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed  ayaa maalinta barri ah daah furi doona shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaali (SBF) oo socon doona muddo laba maalin ah waxaana sidoo kale qeyb gali doonaa qaar ka mid ah Madaxda maamulada.

Maxaad ka taqaanaa Shirka Madasha Madasha Iskaashiga?

Copenhagen, 19 November 2014 – Shir sannadeedkii ugu horeeeyay ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare ayaa lagu qabtay magaalada Copenhagen inta u dhexeysay 19 iyo 20 November, waxaana wada-shirguddoomiyay Mudane Xasan Sheekh Maxmuud, Madaxweynihii Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Qaramada Midoobay, waxaana martigelisay Dowladda Denmark.

Istanbul 23-24 Febraayo 2016   Wakiillo ka kala socda 46 dal iyo 11 hay’adood oo caalami ah ayaa iskugu yimid magaalada Istanbul 23ki iyo 24ki Febraayo 2016 si ay uga qaybqaataan shirka sadexaad ee heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Heerka Sare (HLPF), oo uu marti-geliyay Mudane Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, ayna wada shir-guddoomiyeen Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Mudane Jan Eliasson, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madashaasi waxay daba socotay shirarki hore ee lagu kala qabtay magaalada Copenhagen sanadki 2014 iyo magaalada Muqdisho sanadki 2015.

16 Luulyo 2018 Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyey fadhiga 1aad ee furitaanka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo  ka furmay magaalada Brussels.

Shirkaan ayaa dhaqaalle lagu taageeraa Soomaaliya, waxaana inta badan kasoo qeyb gala dalalka taageera Soomaaliya.