DHAGEYSO: Gudoomiyaha Aqalka Sare ku baaqay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha

Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa Khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 70 sano guuradii ka soo wareegtay xorriyadda dalka China oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir weyn oo keenay in dowladda Shiinaha ay taageerto Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya ka fulisay Mashaariic waa weyn oo ay ka mid yihiin Wadooyinka isku xira Soomaaliya xilliyadii hore.
Gudoomiyaha ayaa xusay in ay muhiim tahay in dib loo soo celiyo xiriirkii weynaa ee ka dhaxeeyay Shiinaha iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya si loo maalgaliyo kaabayeyaasha dhaqaallaha.