Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaaladu ay saaka tahay mid degan.
Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada waxaa ka dhacayay dagaal culus oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab u badan oo ku sugnaa xaafadaha magaalada Gaalkacyo.
Wada hadaladii u dhaxeeyay Waxgaradka Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa burburay, maadaama Dagaal u dhaxeeya labada dhinac uu markale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Dad fara badan ayaa maalmihii u dambeeyay ka barakacayay Magaalada Gaalkacyo oo ay ku dagaalameen Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dadkii ka baxsaday colaada Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhibaateysan duleedyada Magaalada Gaalkacyo.


