Gen. Jimcaale Jaamac Takar, oo hoggaamiya ciidamada Danab ee ku sugan xerada Ligle ee magaalada Garoowe, ayaa ugu dambayn aqbalay inuu dib ugu soo laabto ciidamada Difaaca Puntland, kadib wadahadallo muddo socday oo dhexmaray dhinacyada.
Gen. Jimcaale ayaa la sheegay inuu ka tanaasulay go’aankii uu ugu biiray dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ciidamada Danab ee uu hoggaamiyo ay muddo ku dhow sanad mushaar ka qaadanayeen dowladda Federaalka.
Puntland ayaa dhankeeda aqbashay in Gen. Jimcaale uu sii ahaado taliyaha ciidamada Danab, iyadoo sidoo kale la sheegay inay ka laabatay go’aanno hore oo la xiriiray maxkamadeynta qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo jeeda gobolka Nugaal.
Heshiiskan ayaa yimid kadib wadahadallo socday muddo ku dhow bil iyo 15 maalmood, kuwaas oo ay dhex-dhexaadinayeen qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal.
Guddiga dhexdhexaadinta waxaa guddoominayey Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, iyadoo kulankii lagu soo xirayey wadahadallada uu ka dhacay hoyga uu Senator Faroole ku leeyahay magaalada Garoowe.
Sida heshiiska lagu sheegay, ciidamada fadhigoodu yahay xerada Ligle ayaa dib uga mid noqonaya ciidamada Difaaca Puntland. Guddiga waxgaradka iyo xildhibaanno ka tirsan gobolka Nugaal ayaa lagu wadaa inay Axadda booqdaan xerada, halka diiwaangelinta ciidamada la bilaabi doono Isniinta.
Heshiiskan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu soo afjarayo khilaafkii u dhexeeyay Gen. Jimcaale Takar iyo Puntland, iyadoo sidoo kale meesha ka saaraya joogitaanka ciidamada dowladda Federaalka ee muddo ku dhow sanad ku sugnaa xerada Ligle.
Tallaabadan ayaa sidoo kale Puntland u horseedaysa in ay dib ula wareegto ciidamo kale oo hore ugu biiray dowladda Federaalka, xilli khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda dhexe uu weli ka taagan yahay arrimo la xiriira amniga, siyaasadda iyo maamulka ciidamada.



