Talisyada Milatariga iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa warar kala duwan ka soo saaray howlgallo iyo duqeymo ka dhacay deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab.
NISA ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Warciise, oo qiyaastii 25 KM u jira degmada Jowhar, lagu dilay sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Hay’addu waxay sheegtay in howlgalka lagu dilay laba horjooge oo muhiim ah, kuwaas oo kala ahaa Axmed Cali Jimcaale, oo NISA ku sheegtay horjoogaha Al-Shabaab ee degmada Jowhar, iyo Geeddi Maxamed Nuur Cadde, oo kooxda u qaabilsanaa deegaannada Dumaaye iyo Dabagaalo.
NISA waxay sheegtay in labada horjooge muddo lagu raad-joogay xogtooda iyo dhaq-dhaqaaqyadooda, iyadoo howlgalka lagu dilay sidoo kale toddobo xubnood oo kale oo la socday horjoogayaasha.
Dhanka kale, Talisyada Milatariga ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay xalay howlgallo iyo duqeymo is-xigxigay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
War kasoo baxay dhanka milatariga ayaa lagu sheegay in deegaanka Warciise lagu beegsaday kulan ay halkaasi ku lahaayeen horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana xogta hordhaca ah lagu sheegay in lagu dilay 11 horjooge, iyadoo la xaqiijiyey dhimashada afar ka mid ah oo kala ahaa Axmed Cali Jimcaale, Geedi Cadaawe, Geedi Guuleed Abuu Nabhaan iyo Yaasiir Kormeed.
Gobolka Hiiraan, howlgallo iyo duqeymo laga fuliyey deegaannada Teedaan iyo Yasoomane ayaa lagu sheegay in lagu dilay 15 maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, halka 17 kale lagu dhaawacay.
Waxaa sidoo kale la sheegay in dadka lagu dilay howlgallada ay ka mid ahaayeen Axmed Macallin, Zakariye, Muuse Cumar iyo Macallin Khaalid.
Deegaanka Yasoomane ayaa lagu sheegay in lagu dilay siddeed maleeshiyaad ah, halka laba horjooge oo lagu kala magacaabo Albaani iyo Bukhaari lagu sheegay inay ku dhaawacmeen duqeynta.
Talisyada Milatariga ayaa sheegay in guud ahaan la fuliyey toddobo duqeyn oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Farqiga u dhexeeya labada war-saxaafadeed ayaa ah tirada iyo magacyada qaar ka mid ah dadka lagu sheegay in lagu dilay howlgalka Warciise, iyadoo NISA ay sheegtay sagaal xubnood, halka dhanka Milatariga lagu sheegay 11 horjooge oo la beegsaday.
Hay’adaha amniga ayaa sheegay in howlgallada noocan ah ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, gaar ahaan hoggaanka iyo shabakadaha kooxda ee lagu abaabulo weerarrada.
NISA ayaa shacabka ugu baaqday inay hay’adda la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta Al-Shabaab iyo Daacish, si looga hortago khataraha amni ee ka dhanka ah bulshada.



