Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka Marca, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Mateo Kovacic ayaa doonaya inuu ka tago kooxda, laakiin tababaraha cusub ee kooxda Jules Lopetegui ayaa kalsooni ku qaba inuu sii joogo.
24-jirkaan ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu xiiseynayo inuu baxo xagaagan, isagoo yiri: “Waxaan u maleynayaa inay fiican tahay inaan tago koox kale oo aan ka heli karo fursad aan ku ciyaaro.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo aan la hubin mustaqbalka Luka Modric, Real Madrid ayaa la aaminsan yahay inay kalsooni ku qabto ciyaaryahankii hore ee Inter Milan inuu sii joogto kooxda.
Kovacic ayaa u sheegay Lopetegui intii uu socday wadahadalkii labada dhinac ay yeesheen inuusan dooneynin inuu sii joogo kooxda.
Kovacic ayaa kusoo bilowday kaliya 10 kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu aaminsan yahay in taas ay caqabad ku noqotay inuu boos joogta ah ka helo xulkiisa ka qeyb galay koobka adduunka.



